Zlatan Ibrahimovic oo niyad jabkii uu kasoo qaaday Tartanka Euro 2012 ku iloobaya Jasiirad uu ka iibsanayo caasimada Stockholm

Weeraryahanka xulka swedhan iyo naadiga Ac-milan ibrahimovic ayaa u muquda mid kunool xaalad murugo ah kadib markii uu xulkisa swedhan ay si dhaqso ah isaga soo baxeen tartanka Euro 2012

Jariirada Lagazetta dela sport ayaa qortay in ciyaaryahan ibro uu magaaladaStockholmka iibsanayo jasiirad lagu qiyaasay 500 oo hektar kuna kaceysa qiimo dhan 2.5 milyan oo Euro waxa uuna ugu tala galay inuu kaligiis ku qabeysto sii uu ugu hilaamo xanuunkii iyo niyad jabkii uu kasoo qaaday tantanka Euro 2012

Laacibka 30 sano jirka ah ayaa sanadaan waxaa soo wajahay laba arin oo aad niyad jab ugu keentay kuwaasoo kala ah kooxdisaMilanoo ku guul dareesatay ineey ku guuleeysato horyaalka talyaaniga iyo xulkiisa oo wareega koowaad ee Euro kusoo haray

Ibrahimovic ayaa 4-tii sano ee ugu danbeeysay ee uu joogay horyaalka talyaaniga waxa uu laba mar ku guuleeystay gool dhalinta talyaaniga waxa ayna kala ahaayeen mar uu lajoogay intermilan iyo sanadan 2011 oo uu kula guuleeystay naadiga Ac-milan