Zimbabwe awood ma u lee dahay in ay wax ka barato doorashadii ka dhacday Kenya?

BBC-da ayaa maqaal ka qortay doorashadii dhawaan aftida loogu qaaday dastuurka cusub ee dalka Zimbabwe.

Maqaalkan ayaa waxaa qoray wariye u dhashay dalka Uganda oo xaruntiisa ay tahay magaalada London.

Wuxuu ku yiri maqaalka Zimbabwe awood u ma lee yahay in ay wax ka barato doorashadii sida babad galyada ku dhacday dalka Kenya.

Joel Kibazo, wuxuu maqaalkan qoray, markii dadka reer Zimbabwe u codeeyeen in ay qaataan dastuur cusub, kaasoo uu ka cad yahay awooda uu lee yahay madaxweynaha oo ah in labo jeer uu xafiiska fadhin karo, taasoo ah min shan shanno.

Dastuurkan cusub, dadka reer Zimbabwe cod ayey u qaadeen oo waa ay taageereen, sidoo kale waxaa la dhacsan madaxda hadda ka arrimisa dalkan oo kala Madaxweyne Robert Mugabi iyo ra’iisal wasaare Morgan Tsvangirai.

Kenya madaxweyne cusub ayey yeelatay kaddib markii doorasho si babad galyo ku dhacday ay ka hirgashay horaantii bishan.

Dad badan ayaa niyada ku hayay khalalaasihii dhacay sannadkii 2007-da, xilligaas oo dad kor u dhaafaya 1,000 qof ay ku geeriyoodeen halka in ka badan 600,000 oo kale ay ka barakaceen guryahooda.

Xaaladdan khaska ah ayaa wuxu socday muddo labo bil ah

Labo ka mid ah musharrixiintii ka qaybgalay doorashadii Kenya, waxa ay ka mid ahaayeen dowladii wadaaga ahayd ee ka hirgashay Kenya, khallaalasihii kaddib.

Dad badan oo reer Kenya ayaa ka cabsi qaban in ay marakale dalkooda ka dhici karto khalalaaso la mid ah kuwii lix sanno ka hor ka dhacay dalkooda.

Haddaba Zimbabwe khalalaaso la mid ah kuwii Kenya ayaa ka dilaacay sannadkii 2008-dii, dad badan ayaa ku hoobtay.

Laakin billowgii sannadkii 2009-ka ayaa hoggaamiyaha Zanu-PF ee madaxweyne Robert Mugabe iyo ninka ay isqabteen ee Morgan Tsvangirai oo madax u ah xisbiga MDC ayaa ugu dambeen u arkay xal in ay soo dhisaan dowlad wadaag, taasoo u gogal xaarta doorasho ka dhacda dalka Zimbabwe.

Dalka Kenya, sannadkii 2010-ka waxaa loo sameeyay dastuur cusub, kaasoo dhabaha u xaaraya in la qabto doorasho.

Isla jidkaas oo kale waxaa raacay dalka Zimbabwe

Si kastaba, dadka wax odorasa waxa ay lee yihiin dastuutkan cusub ee aftida loo qaaday Zimbabwe in uu yareen doono xiisadda dad badan oo ka walwalsan dalkan ku yaalla koonfurta qaaradda Africa.

Haddaba su’aasha ah in Zimbabwe ay awood u lee dahay in ay wax ka baran karto doorashadii ka dhacday Kenya, waxaa jawaabteeda la heli doonaa doorashada sannadka dambe ka dhaceysa dalkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here