Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa aaminsan Cristiano Ronaldo in uusan ka tageynin garoonka Bernabeu marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.
Ronaldo ayaa mustaqbalkiisa la sheegay in uu shaki ku jiro ,laakin Zidane oo hadda noqonaya maamulka kooxda Real, wuxuu aaminsan in ciyaaryahanka iyo maamulaha kooxda Florentino Perez oo dib loogu doortay madaxweynaha kooxda ina y ku jiraan wada-hadal.
“Ronaldo wuxuu ku qanacssan yahay kooxda Madrid,” sidaas waxa wargeyska L’Equipe u sheegay xiddigii hore ee Fransiiska .
“Waa ciyaar yahan muhiim u ah kooxda ma jirto meel uu u socdo xilli ciyaareedka soo socda.”ayuu markale yiri.
Goorhore ayaa la sheegay in tababaraha kooxda, ee Jose Mourinho marka uu dhammeesto xilli ciyaareedka 2012 ilaa 13-ka, waxaana loo badinayaa in uu sii raaci doono Ronaldo macalinka reer Portuguese kaasoo ka dhaqaajinaya caasimada Spanish-ka.
Ciyaaryahanka 28-jirka ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda wuxuu ku egyahay 2015, waxaa wararkii u dambeeyay ay lee yihiin waa doon-dooneysa ciyaaryahankan kooxda heesata horiyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com