Zidane oo xalay sameeyay Taariikh gaar u ah

Macalinka Real Madrid una dhashay Faransiiska Zinedine Zidane ayaa noqday macalinkii ugu horeeyay awooday in uu kooxdiisa ka caawiyay in ay laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga tan iyo markii horaantii sagaashamaadkii qabaka uu yahay ay UEFA udhigtay tartankan wuxuuna sidoo kale noqday macalinkii labaad ee guud ahaan tartanka kooxaha Yurub difaacday tan iyo Arrigo Sacchi oo AC Milan sidan oo kale ka soo sameeyay 1989 & 1990 kii.

Zidane ayaa taariikh u sameeyay kooxdiisa wuxuuna noqday macalinkii ugu horeeyay ee muddo 59 sanadood ah ka caawiyay in ay hal xili ciyaareed ku wada guulaysato koobabka Champions Leaque-ga iyo waliba horyaalka La Ligaha.

Xili ciyaareedkii 1957/58 kii ayay ahayd markii ugu danbaysay ee ay Real Madrid ku soo wada guulaysatay labada koob ee La Ligaha iyo Champions Leaque-ga tan iyo wixii markaas ka danbeeyayna waxa uu macalin kasta oo Madrid soo qabtay uu ku fashilmay in uu gaadho taariikhda uu macalinka ree France caawa gaadhay.

Zidane ayaa muddo kooban taariikho badan ku abuuray wuxuuna Real Madrid kula soo guulaystay shan koob taas oo la micno ah in 103 dii maalmoodba uu koob ku soo guulaysanayay, waxaana koobabka uu ku soo guulaysan karay ka maqan Copa Del Rey iyo Spanish Super Cupka oo ay horaanta xili ciyaareedka cusub wada ciyaari doonaan Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here