Zidane oo ku soo biiray caalamka tababarnimada

Maamulka naadiga Realmadrid ayaa ku dhawaaqay in xidigii hore ee naadigaas iyo xulka France Zidane uu tababare unoqon doono Ciyaartoyda heerka labaad ee Real,isagoo hada qaadanaya duruus dhanka tababarka ku saabsan.

“Zidane waxa uu bilaabi doonaa shaqadiisa tababarnimo ee junyarka Real, si uu unoqdo tababare xirfad leh” sidaa waxaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maamulka Realmadrid.

Zidane oo 2006 ku dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta gabi ahanteedaba, kadib markii uu kusoo fashilmay ciyaartii kama danbeysta ah ee ay xulkiisa iyo xulka Italy isaga hor imaadeen,zidane ayaa qaatay caalamada cas,kagadaal markii uu madaxa ku dhuftay daafaca talyaaniga Marco Materazzi, taasoo keentay in laga qaado koobka.

Zidane ayaa hada kuhaminaya inuu mar uun tababare u noqdo Realmadrid marka uu meesha katago Jose Mourinho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here