Zenit oo ku biirtay baadigoobka ay ugu jiraan Juve and Inter Kolarov

Zenit St Petersburg
Zenit St Petersburg

Zenit St Petersburg ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay oo ku biirta loolanka loogu jirro cayaarta difaaca bidix ee dembe uga cayaarae Manchester City  Aleksandar Kolarov.

Kooxda Ruushka ayaa xiriir la sameesay wakiilka cayaaryahanka Serbia billowgii toddobaadkan waxaana ay u sheegtay in ay dooneyso difaacan, iyadoo ay jiraan loolan kale oo ay wadaan Inter iyo Juventus.

Kolarov, oo 28-jir ah, ayaa heshiiskiisa waxaa hadda u dhimman uun 12-bilood waxaana soo baxay warar sheegaya in ay isku dhacsan yihiin tababbarre Manuel Pellegrini oo marka lagaaro January cayaartooy ka soo iibsanaya suuqa.

Zenit ayaa u ballan qaaday Kolarov’s adduun lacageed €107,000-taasoo la siinaayo halkii toddobaad,waxaan difaacii horre Lazio lagu keeni doonaa €8.4 million.

Cayaaryahankan ayaa hadda ka war sugaya City in ay u soo bandhigto heshiis cusub, haddii wuu ku laaban doonaa Italy.

Tan iyo markii uu kooxda yimid Pellegrini, wuxuu cayaaray oo kaliya 19-kulan dhammaan cayaarihii ay cayaartay kooxda xilli cayaareedkan waxaa ku jiray 90-kii daqiiqo cayaartii  Sabtidii shaley 4-2 uga adkaadeen kooxda Fulham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here