Zanetti oo kulankii 600-aad u saftay Inter

Ciyaaryahan Javier Zanetti ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu saftay kulankii 600-aad ee u ciyaaro kooxdiisa Inter Milan ee dalka Talyaaniga.

39-jirkan ayaa kooxda Inter kaga soo biiray kooxda Banfield sannadkii 1995, wuxuu tan iyo xilligaas kula guuleestay shan horiyaal oo ah Scudettaha, afar koobka Italia iyo horiyalka kooxaha qaaradda Yurub ee Champions League .

“Sharraf wayn ayey ii tahay in aan ka mid noqdo qoyska reer Inter,” Zanetti ayaa u sheegay Inter Channel.

“Inter waa koox aan jeclahay waxaan filayaa in dhammaan arrintaas ay noo dan tahay.” ayuu sii raaciyay

Zanetti ayaa markii ugu horreysay ee uu safto kooxda Inter, waxa ay ahayd guul ay gurigooda 1 iyo 0 kaga adkaadeen kooxda Vicenza, billowgii xilli ciyaareedka1995-96.

“Waa wax aad loo tacajabo in aad ciyaarto 600 oo kulan oo ah horiyaalka Serie A,” ayuu sheegay.

“Waa in aan isku diyaarino u dabaal dagida kulankii 600-aad ee kooxdayda aan u safro waa guul wayn oo aan soo hoyay.” ayuu sheegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here