Zanetti oo cayaaraha ka fadhiisanaya

Kabtanka kooxda Inter, Javier Zanetti ayaa xaqiijiyay in uu cayaaraha ka fadhiisan doono marka uu dhammaado xilli cayaareedka hadda socda.

40-jirkan ayaa dhaawac xun uu soo gaaray xilli cayaareedkii ugu dambeeyay, waxaana dhowr jeer lagu sameeyay qalliin, 11-kulan uun ayuu ka soo muuqday dhammaan cayaarihii uu hoggaaminaayay kooxda tababbarre Walter Mazzarri.

Madaxweynaha kooxda, Erick Thohir ayaa lag soo xogtay toddobaadkii horre isagoo leh, cayaaryahanka reer Argentine in uu damacsan yahay in uu kabaha kala baxo garoomada marka uu dhammaado xilli cayaareedkan.

Zanetti ayaa 22-sanno ku soo jiray xirfadan.

“Waxaam dareemayaa shakhsi ahaan sharraf gaar ahaan xilligii aan joogay kooxda. Kaddib markii aan dhaawacmay sanandkii waxaan isku dayay in aan ka soo kabto dhaawaca isoo gaaray oo aan kubadda cagta ka soo muuqdo,” ayuu u sheegay Nacion .

Zanetti, ayaa ku biiray Inter isagoo xilligaas ka yimid Banfield sannadkii 1995, wuxuu u saftay in kabadan 850 intii uu kooxda u cayaarayay.

Wuxuu kula guuleestay shan koob oo ah horyaalka Serie A-da hal koob oo ah horyaalka Yurub ee Champions League iyo koobab kale oo tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here