Zamzam oo kaalinta ugu hooseeysay kagashay tartanka orodka 400m ee haweenka

Zamzam Maxamed Faarax oo ah Gabadhii Soomaaliya u metelaysay tartanka Orodka 400m ee Olompicada London ayaa  waxay gashay kaalinta ugu dambeysa hablihii ay la tartamaysay iyadoo aad u liidata oo xataa ay awoodi weysay inay istaagto, taas oo ka muuqatay tababar daro tan ugu liidata.

Zamsam Maxamed oo ku tartamaysay 400 oo fagaxda ah ayaa ka muuqan garoonka iyadoo ay ahayd qofka ugu liidata ee tartankaas ka qeybgalay.

Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa ku fashilmay inuu keeno tartamada Caalamiga Ciyaaryahano tayo leh

Jir ahaan Muuqaalka Zamsam ayaa aad u liitay marka lala barbar dhigo gabadhihii la tartamaysay, oo ahaay kuwo xoog badan,murqo ahaan dhisan.

Way awoodi weysay gabadhan inay xataa dhexda ka gasho gabadhaha kale ee ordayay.

Hadaba waxaa xusid mudan in dadka soomaaliyeed ay hamuun uqabaan ineey mar uun arkaan ciyaartooy dhankey doonaanba ha ahaadeene usoo hoysa guulo ay ku farxaan,laakiin taas madhaceyso inta laysku wadaayo garab,ama nin jecleysi uu jiro.

Waxaa xaqiiqo ah in wadanka laga helaayo ciyaartooy tayo leh,balwadna aan laheen kaliya ubaahan tabgabar,laakiin Gudiga olompicada Soomaaliyeed waxay fiiriyaan oo kaliya in calan lageeyo meesha taasna ma ahan mid sameyneysa micno, soomaaliyana waxay ubaahantahay in mar uun ay iska dhex aragto fagaaraha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here