ZamZam & Maxamed “Kuma laaban karno dalka” Video

Orodyahanada Soomaaliyeed ee ciyaaraha Ololmbikada Londan ka socday kaga qeyb qalay Orodka 1500 iyo 400 Mt ayaa waxay sheegeen ineysan dib ugu laaban karin dalka sababo la xariira dhinaca amaanka.

Maxamed ayaa sheegay in uu jeclaa inuu dib ugu laabto dalka, balse xiligan aysan meel ay ku noqdaan aysan jirin, Zamzam ayaa sidoo kale sheegtay in xiligan fariimo badan oo hanjabaad ah la soo gaarsiiyay, laguna wargeliyay in wax badan laga qaban doono.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadan orodyahan ay qorsheynayaan iney isdhiibaan, balse waxaa beeniyay Duraan Faarax oo sheegay ineysan waxba ka jirin arintaasi.

Marka aad dhuuxdo hadalka Zamzam iyo Maxamed waxay u eg tahay kuwo qorsheystay ineysan dalka dib ugu laaban oo ay iska dhiibi doonaan dalka ay ku sugan yihiin ee Ingiriiska.

HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO WAREYSIGOODA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here