Zambia v Ivory Coast oo caawa ku dagaalamayo finalka koobka Afirca

Waxaa caawa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo koobka Qaramada Qaarada Africa iyadoo ay isugu soo hareen ciyaarta finalka xulalka Zambia iyo Ivoary Coast.

Labada tababare ma qabaan wax cabsi ah oo ku aadan in ay ka dhaawacanyihiin laacibiin muhiim ah, sidaasi daraadeed waxay garoonka keeni doonaan xidigaha ay ku dhaartaan.

Ciyaaryahan Emmanuel Mayuka ayaa lagu wadaa in tutulaare kusoo galo kadib marki uu kulanki semi-finalka badal kusoo galay isaga oo dhaliyey goolki guusha ee ay Zambia uga badiyeen xulka Ghana.

Waa mid ka mid ah sadex laacib oo u baahan in ay gool dhaliyaan si ay u noqdaan ciyaaryahanka ugu goolasha badan tartanka kuwaasi waxaa ka mid ah laacibka kale ee dalka Zambia Chris Katongo iyo kabtanka Ivory Caost Didier Drogba.

Tababaraha kooxda Ivory Coast Francois Zahoui ayaa la filayaa inuu soo safo laacibiinta ugu muhiimsan ee uu ku garaacay kooxda Mali kulanki afar dhamaadka.

Kooxda Zambia waa marki sadexaad ee ay soo gaareyso finalka kadib marki ay sidaan oo kale u timid sanadihi 1974 iyo 1994 labada jeer.

Kulanki ugu danbeeyey ee finalka waxa uu ahaa mid mucjiso ku noqday iyo masiibo kadib marki 18 ciyaartooy oo ka tirsan kuwa xulka qaranka ay la bur burtay diyaarad wax yar kadib marki ay kasoo kacday garoonka diyaaradaha magaalada Libreville ee dalka Gabon.

Ivory Coast, ayaa iyaguna dheelaya kulanki ugu horeeyey ee finalka kooban marki ciyaartoodi ugu danbeeysay ay ku lumiyeen xulka Masar sanadki 2006.

Hal jeer oo qura ayey ku guuleysteen waxaana ay aheyd 1992 markaasi oo ay garaaceen xulka Ghana waxa ay kaga adkaadeen rigoorayaal.

Saadaasha kulanka ayaa lagu sheegayaa in xulka Ivory Coast ay badin doono, waxaana taasi lagu sifeynayaa maadaama ay heystaan xidigo caan ah sida Drogba, Yaya Toure, Gervinho iyo Didier Zokora.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.