Zambia oo marki ugu horeysay hanatay koobka Qaramada Africa

Xulka qaranka Zambia ayaa marki ugu horeysay ku guuleystay Koobka Qaramada Africa kadib marki uu xalay rigoorayaal 8-7 ah uga badiyey xulka Ivory Coast ciyaarti kama danbeysta aheyd.

Kulanki xalay oo ka dhacay magaalada Libreville ee caasimada dalka Gabon ayaa ku dhamaaday bar bar dhac 0-0 ah, sidoo kalana 30 daqiiqo oo dheeraad ah oo lagu kordhieyey wax goolal ah iska dhalin waayeen labada xul.

Laakin Zambiya ayaa aaqirki gacanta ku dhigtay guusha kadib 14 rigoore oo ay tuurteen labada xul, waxaana Ivory Coast ka qasaariyey xidigaha kala ah Kolo Toure iyo Gervinho halka Zambiya uu ka cunay Rainford Kalaba.

Goolki ugu danbeeyey ee rigoorayaasha ayaa waxaa iska galka labada alwaax ee kore ka giliyey Stoppila Sunzu ciyaartana ka dhigay in ay si layaab leh u badiyaan Zambiya oo ku adkaatay  8-7.

Waxay aheyd ciyaar qaracan iyo wadna xanuun ku riday kabtanka xulka Ivory Coast Didier Drogba oo inti ay ciyaarta socotay la waayey shabaqa gool ku laad loo dhigay kaasi oo uu hawada u diray.

Waa marki labaad oo sidaan oo kale ah ku luminayaan rigoorayaal xulka Maroodiyada, sanadki 2006 ayaa waxaa gool ku laad ku qaarijisay Masar, sanadkaana waxay aheyd marki ay ugu awooda badaneyd maadaama aysan kor u qaadin koobka Africa mudo 20 sana ah.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.