Yuusuf Xaaji: “In Dib loo Celiyo Dadka Somaliyeed ee Kenya Kusugan Ma ahan Mid Dawlada ay Udhan Tahay”

Kadib kulan uu la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Dawlada Kenya Maxamuud Yuusuf Xaaji Ganacsatada Somaliyeed ee Xaafada Islii ayuu kala hadlay arimo ay ka mid ahayd Amaanka Xaafada Islii.

Wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qabashada ciidamada Kenya mar walbo kula kacaan dadka somaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii isagoo sheegay in dad ay Arday ku jiraan xabsiyada ku jiraan.

Maxamuud Yuusuf Xaaji ayaa sheegay inay dawlada iyo laamaha Amaanka qaabilsan kala hadli doonaan sidii loo xaq dhawri lahaa xoriyada dadka Somaliyeed ee sanadaha badan ku noolaa magaalada Nairobi.

Waxa uu sidoo kale wasiirku soo hadal qaaday arinta dawlada Kenya bishii December 2012 ay ku sheegtay inay dhamaan magaalooyinka dalkeeda ka saareyso dadka Somaliyeed isagoo yuusuf Xaaji arintaasi ka gil gishay.

“In dib loo celiyo dadka Somaliyeed ee Kenya kusugan ma ahan mid dawlada ay udhan tahay,waxaana idin ballan qaadeynaa shaqsiyaadka yiri hadalkaasi inay ka laaban doonaan ayuu yiri Yuusuf Xaaji”.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Dawlada Kenya Maxamuud Yuusuf Xaaji ayaa ka codsaday Dadka Somaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Nairobi inay soo sheegaan dadka amni darada wada oo taleefoonada saldhigyada la xiriiraan.

Qaar ka mid ah gudiga ganacsatada Somalida Xaafada Islii oo uhadlay Xuseen Aar ayaa saxaafada usheegay inay isku afgarteen iyaga iyo wasiirka gaashaandhiga inay amaanka kawada shaqeyaan islamarkaana cadaadiska laga daayo somalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here