Yuusuf Garaad oo Baraawe Tagey & Sheeko uu ka qoray Socdaalkiisii

Maanta waxaan tegey Baraawe oo ah magaalo xeebeed fac weyn. Waxaa lagu sameyn jiray biyaha saafiga ah ee warshadeysan, koofiyadaha, kabaha, suumanka iyo weliba boorsooyinka.

Hadda waxaa ka muuqatay in ay tahay magaalo ilbaxnimadeeda iyo horumarkeedu ay ku dhow yihiin in ay indhaha isku qabsadaan. Gaar ahaan magaalada waxaa dhibaato weyni ka haysataa daryeel caafimaad la’aan. Iyo xaalufinta degaanka, maaddaama wax soo saarkeedii isu beddelay dhoofinta dhuxusha.

Sidii dadweynaha aan shalay Cadale ku soo arkay, reer Baraawe waxaa ka muuqda Dowlad jacayl. Meel qorrax ah oo fagaare ah ayay isugu soo baxeen si ay u soo dhoweeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Markii ay hadlayeenna cillanaad iyo siyaasad kama hadal. Waxxay dalbadeen amni iyo daryeel caafimaad.

10702118_10152808325703384_5285753851910498990_n

Baraawe waxay xarun u ahayd Shabaab maalmo yar ka hor. Inkasta oo aanan xabbad maqal, haddana ciidan fara badan oo Soomaali iyo AMISOM ah ayaa aad u jooga degaanka inta aan baabuur ku maray oo ah ilaa Muddul.

Qorre: Yuusuf Garaad Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here