Yuusuf Garaad: Dhaarta xusuusnaada xildhibaanno

Xildhibaannada baarlamaanka oo dhaartay
Xildhibaannada baarlamaanka oo dhaartay

Waxaan maqlayaa in maanta ay kulmayaan Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, oo la yiri kuma qanacsana Hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo ay iyagu horay u doorteen.

Waxaan maqlayaa in ay codsi u jeedan rabaan Madaxweynaha.
Waxaan maqlayaa in aan fadhigu ahayn fadhi Baarlamaan isla markaana aan la fariisan doonin Xarunta Baarlamaanka.
Inta kale ka sokow waxay arrintani ku soo beegantay iyada oo Shabaab u hanjabtay mudanayaasha Baarlamaanka, laba ka mid ah ay dishay saddex kalena ay dirqi uga badbaadeen.
Markaa hey’adaha amniga waxaa looga fadhiyaa in ay xaqiijiyaan bedqabka Mudanayaasha Baarlamaanka.
Waxaa iga xusuus ah in hey’adaha Qaranka, siiba Baarlamaanka ay waajib ku tahay in uu howlihiisa ku saleeyo Dastuurka dalka u yaalla.
Xildhibaannada aan la dooran ee la soo xulay waxaan xusuusinayaa dhaartii ay ku mareen kutubka Jaamaca ah. Taas oo fareysa in ay danta dalka ku shaqeeyaan.
Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku duwo dariiqa ay danta Soomaalidu ku jirto.
Soomaaliya ha noolaato.
 
Akhristow, fadlan ku darso ra’yigaaga oo aan turxaan lahayn:
W/D: Yuusuf Garraad

1 COMMENT

  1. sww waa idin salaamay umada soomaaliyd mlkastaoo dhawaatay aad joogtaan waxaa la yiri labadii qaxdara kuhashiiso qaxa ayay isku dagaalaan iyada oo arinta noo hagaagsan tahay soomaali isku s

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here