Yuu noqon doonaa madaxweynaha Soosocda? Warbixin

Kadib dhamaadkii waqtiga KMG magaalada Muqdisho maalmahaan waxaa kajiray tartan siyaasadeed iyo is kooxeeysiyo iyadoo siyaasiyiin badan ay u hanqal taagayaan ineey qabtaan jagada madaxweyninimo ee Soomaaliya,halka kuwa kalena ay rabaan ineey sii xajistaan boosaskooda.

Waxaa aad u adakayd in lasii saadaaliyo cida noqoneeysa madaxweynaha soosocda oo ay hada u tartamayaan inkabadan 30 murashax,laakiin saadaalinta waxay suurta gashay maalma kahor markii la doortay gudoomiyaha Baarlamanka,doorashadaas kadib waxaa sahlanaatay in lasii maleeyo ama lasaadaaliyo cida noqon karta madaxweynaha dowlada soo socota arimahaan aan hoos kuxusi doono awgeed:

1-Waxaa ceel dheer ku dhacay hamiga gudoomiyihii hore ee baarlamanka Shariif Xasan oo rabay inuu markaan ku fariisto kursiga madaxweynaha Soomaaliya si uu u badalo Ex saaxiibkiis Shiikh Shariif,waxaana arinta Shariif xasan fashiliyay kadib markii uu afhayeenka baarlamaanka ku guuleeystay ninka ay qaraabada yihiin Prof Jawaari,maxaa yeelay waxaa jirta maahmaah dhahaysa “Laba garab hal qandi laguma wada rido ” oo micnaheedau yahay in digil iyo mirifle aysan isku heleen labo jago oo waaween,waxaana taas diidaya qaanuunka qabiiliga ah ee 4.5.

2-Doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka waxay banaanka soo dhigtay taageerauyaasha Shariif Xasan taasoo sahleysa in la saadaaliyo doorashada madaxweynanimada,iyadoo siyaasiyiin badana ay qabaan shariif xasan uu yahay nin dhagar badan saameeyn badan lagana yaabo in sameeyo mucjisooyin marka lagaaro doorashada madaxweynaha oo lagu wado ineey dhacdo 10-ka bishaan sebtember aynu kujirno,Shariif Xasan waa musharaxa kaliya ee uu hada walwalka kaqabo madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Shiikh Shariif,maxaa yeelay doorashadii gudoomiyaha Baarlamanka hadii uu shariif xasan guuldareystay dhanka kale waxay uga tahay guul maxaa yeelay waxa uu gacanta ku haystaa in kabada 60 xilibaan taasoo hadii uu musharax laheshiiyo kuna biiriyo uu musharaxaas noqon doono madaxweynaha Soomaaliya isagana uu ku gorgortami doono in lasiiyo jagooyin waaween.

3-Doorashadii gudoomiyaha Baarlamanka waxaa lagu ogaaday in is xulufeeysigiio shariif Xasan iyo Dr C/wali Gaas uu meesha kabaxay,maxaa yeelay labadoodaba waxay ukala codeeyeen C/khaliif iyo Jawaari,gaar ahaan waliba waxaa arinta sii fashilantay markii uu Gaas uhanbalyeey Jawaari kahor intaan lagu dhawaaqin natiijada Rasmiga ah,markaas kadibna ay labadoodaba isdhaafsadeen hadalo kajin ahaa sida Gaas oo shariif ku yiri: “Dee shariif guul baan kuu rajeeynayaa”halka shariifna uu ugu jawaabay “waan kusugaa adigana igama hari doontid’ oo lo fasiran karo hadii aan maanta guul dareeystay adigana beriyaad guuldareeysan doontaa.

4-Maadaama ay burburtay is xulufeysiga Gaas Iyo Shariif xasan waxaa meesha kabaxaya hamiga uu Gaas kaqabay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya,xitaa beeshiisa musharax kasocdo looma maleeynayo inuu guuleeysan doono,maxaa yeelay garabka ugu ween waxa uu ahaa shariif xasan.

Hadaba gabagabada yuu noqon doonaa madaxweynaha soo socda?ma wuxuu noqon doonaa Maxamed C/laahi Farmaajo?maya maxaa yeelay farmaajo nufuud siyaasiyiin ah kuma lahan Muqdisho marka laga reebo shacabka iyo ciidamada uu kalsooni kahaysto,tankale lagama yaabo marnaba in Shariif xasan uu taageero Farmaajo maxaa yeelay waxaa jirta xurguf soo kala shexgashay berigii uu raysulwasaaraha ahaa iyadoo lawada xasuusto in is casilaadii farmaajo uu sababteeda laha shariif Xasan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

3 COMMENTS

  1. lkn aan hal raacsadee sh shariifna ma noqon doono madax weeyne maxaa yeelay 1 waxaa jira in somaliya eey fara galin ku hayaan dowladaha caalam kumaba sii jiraan rer yurub sidaa darteed yurubna marabto in nin wadaad sheeganaya uu noqdo madax weeyne mar 2baad markii horena wuxuu ahaa mid shacabka lagu sir siro 2sh shariif wuxuu horay u ahaa wadaad diimeed caalamkana wadaad diimeed meel uu madax weyne ka yahay ma jirto waxaa caalamku rabaa nin calmaani ah 3xildhibaanada hada lakeenay waa kuwo ubadan aqoonyahano waxaa laga yaabaa in ayagoo wadani nimo eegaya in farmaajo eey doortaan waxaana saadaashu ila tahay in farmaajo uu soo baxo

Leave a Reply to saadaq Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here