Yusuf Xaji: Kenya waxay Al Shabab ka qabsatay 90 kun km oo laba jibaaran

Wasiirka gaashaandhiga Kenya Yusuf Xaji ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab ee Soomaaliya ku qabsadeen dhul gaaraya 90,000 KM oo laba jibaaran.

Wareysi uu maanta siiyey BBC-da ayuu ku sheegay in dagaalka ay ku fogaadeen walina aysan waxbadan u dhimanyihiin, balse rajo ka muujiyey in ay gaari doonaan hadafki ay u usoo galeen Soomaaliya.

“Dagaalka in lagu sii fogaado maysan aheyn, sidaad ogsoontahay aduunkoo dhan waxay aaminsantahay marki ay dagaalka gashay waxay sameysay is badal dagaalkana way badashay sababtoo ah Kenya waxay qabatay dhul aad u baaxadweyn oo gaaraya 90,000 oo laba jibaaran”

Mar wax laga weydiyey waxa uga qabsoomay dagaalka ayuu jawaabay,” Waxaan ku qasabnay in Al Shabaab ay joojiyaan qatarti ay ku hayeen xadka Kenya, dhaqaala ahaan awal dowlada ayaa bixin jirtay laakin hada kadib qaaraanka AMISOM ku baxo ayaan heli doonaa,”

Kenya ayaa gudaha u gashay Soomaaliya bishi October, waxaana shalay ay si toos ah ugu biirtay howlgalka AMISOM, waxaana hada kadib mushaarkeeda bixin doono Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.