Yusuf Indhacade oo kasoo horjeestay Dastuurka Qabyo-Qoraalka Soomaaliya

Generaal Yusuf Siyad Indhacade ayaa qaadacay dastuurka loo diyaariyey Soomaaliya ayaa lagu wado in la ansixiyo bisha May ee soo aadan.

“Qaar ka mid ah qodobada ku jira sax ma ahan, waxaa la rabaa in umada ay ka fikirta waxyaabaha ku jira qodobadaas, waxaa ka mid ah wax ka hor imaanaya shareecada Islaamka”ayuu yiri Indha Cadde.

Waxaa uu sheegay in bulshada ay horay uga qeyla dhaamisay qodobada qaar, waxaana uu xusay in shacabka Soomaaliyed ay ku calool fiyow yihiin shareecada Islaamka iyo sunada Nabiga (NNKH).

Indha Cadde ayaa ku eedeeyay in shaqsiyaad labaatameeyo ah ay wataan qodobada Dastuurka, isagoo xusay in aan marna la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay.

Qeybaha bulshada, sida Culumaa’uydiinka, odayaasha dhaqanka haweenka iyo siyaasiyiinta ayaa horay uga soo horjeestay Dastuurka qabyo qoraalka oo la filayo in 15-ka bisha May la ansixiyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. INDHACADDE oo ah tuug xaalufiyay geedaha dalka,gatay xoolaha duurka ,barakiciyay dadka soomaliyeed oo qabiilwalba leh,wanaag dadnimo,karti aqooneed,xirfad farsamo oo aan dil iyo dhac aheen aan aqoon uu leeyahay ma jiro.ee wuxuu ka baqaya labo arrimood–1 in maxkamad dowli ah la taago haddi ay nabdi timado, 2-in dadkuu dilay oo xoolohooda u dhacay qori caaradeeda uga jawaabi doonaan. Indhacadde and company waa luguu soo socda adiga iyo shabaabul mujrimiinta ah .Xageebaad ka gali cadaalada daka aad dhogoorta ka gashay?

  2. MUXUU DIIN KA GARANAYAA MOORAYAANKAAN TUUGA AH OO 18 SANO SOO XASUUQEY SHACABKA SHABEELAHA HOOSE IYO JUBOOYINKA, SOO XAALUFIYEY DUUR JOOGTA IYO DHIRTII DEEGAANKA.

    KAN OO KALE INUU HADLO OO AAD SOO QORTAAN WAA DEMBI LAGA GALEY SHACABKA IYO DIINTA ALLE, XAGEEBAA LAGU ARKEY DIIN BANEYNEYSO DILKA MASAAKIINTA, DHACA HANTIDA QARANKA IYO TAN SHACABKA, IYO BARAKICINTABA ?

Comments are closed.