Yurub Geenyo: “Waxaa leeygu hanjabay Xarig hadii aan tago Hargeysa”

Fannaanada weyn Yurub Geenyo oo maalmahan ku sugneed Muqdisho ayaa sheegtay in loo soo diray farriin ah haddii ay Hargeysa ku soo laabato in la xiri doono.

Fannaanada oo Muqdisho ku qabatey bandhig fanneedyo maadama ay joogaan taageerayaal fara badan oo jecel heesaha ay qaaddo ayaa sheegtay in loogu hanjabay haddii Muqdisho ka soo laabato in la xiri doono.

Mar ay ka hadashay sida Muqdisho loogu soo dhaweeyay iyo taageerayaasha ay ku lee dahay, waxa ay sheegtey in Muqdisho inay ku sugan yihiin ay joogaan dad gob ah oo ku caan soo dhaweynta isla markaana aan ku jirin waxa naceyb ah isla markaana ay yihiin dadka fanka jecel oo bandhigyada ay ku qabatey Muqdisho ay ka soo qeybgaleen dadweyn.

Si kastaba, dhawaan ayaa wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid ayaa dhawaan ku goodiyey in qof kasta oo Somaliland ka soo jeeda oo siyaadda Muqdisho u ololeeya la xiri doono.

“Waxaanu xabsiga dhigi doonaa qofkasta oo Somaliland ka soo jeeda oo ka dhex ololeeya siyaasadda Muqdisho ka socota waxa uu doono ha ahaadee cid naga sii dayn kartaana ma jirto.” waxa sidaasi sheegay wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid oo la weydiiyey xadhiga dadka Muqdisho ka laabta

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay mar wax laga weydiiyey xarriga wariye Cabdimaalik Coldoon oo maalintii seddaxaad ku xiran xabsi ku yaalla Hargeysa waxaana loo heystaa sababta uu ula kulmay madaxweyne Farmaajo oo dhawaan baarlamaanka u doorteyn madaxweynaha Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here