York oo v.pires kula taliyay inuu ku biiro shayaadiinta cas cas

Weerar yahankii hore ee koxda kubadda cagta Manchester United York, ayaa waxa uu kahadlay sababta uu RVP uga tagayo Arsenal, waxa uuna ku sheegay in kabtan gool magafe uu doonayo inuu ku guuleeysto koobab iyo tartano caalami ah maadaama uu ku hungoobay sanado badan uu xirnaay maaliyada The Gunners inuu qaado kobab muhiim ah.

York oo wareysi gaar ah siinayay mowqica “tribalfootball” ayaa tilmaamay in RVP sanadkii lasoo dhaafay uu u ahaa sanadkii ugu fiicnaa noloshiisa maadama uu ku guuleeystay gool dhalinta horyaalka Ingiriiska balse hada waxa uu doonayo ay tahay inuu qaado koobab iyo tartano caalami ah.

“Dhamaanteen waxa aan dareensanahay in V.pires uu yahay ciyaaryahan weyn sanado badana uu lasoo halgamay kooxda Arsenal” saidaa waxa yiri York.

York ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “waxaa xaqiiqo ah in RVP uu yahay xidig fantastic ah mucjisana ah naadi walbo oo caalamka kadhisana wuu doonayaa saxiixiisa, hada waxa uu sii galayaa da’da 30-ka waana xaqiiqo inuu ubaahanyahay kobab,waxaana hada naseexo ahaan kula talin lahaa kabtan Robin inuu ku biiro Manchester united halkaas oo ay riyadiisa ugu rumoobi doonaan kuna guuleeysan doono kobab sanadaha soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here