Yeman oo gacanta ku dhigtay Rag katirsan Al-shabaab

Ciidamada ammaanka xeebaha dalka Yeman ayaa sheegay ineey gacanta ku dhigeen  4 nin oo soomaali ah, sarkaal katirsan ciidamada ilaalada xeebaha ayaa wakaalada wararka AFP usheegay  in ragan laqabtay katirsanyihiin kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somalia.

Sarkaalkan ayaa sheegay in 4-tan nin ee gacanta lagu dhigay ay doonayeen ineey ka garab dagaalamaan kooxda Ansaarudiin ee kadagaalanta Yeman islamarkaasna xiriirka laleh Al-qaacida

Afartan nin ayaa sida lasheegay laga laga qabtay xeebta Mukala oo kutaalo koofur bari wadanka Yeman.

Waxaa xusid mudan in Al-shabaab iyo kooxaha kadagaalama Yeman uu jiro heshiis iyo iskaashi kadhaxeeya iyadoo shalay ciidamada amaanka Puntland ay gacanta ku dhigeen dooni ay saarnaayeen hub iyo budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa oo loosoo waday shabaabka kadagaalama soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here