Yeey waan garanayaa cida i rasaaseeysay cod

mushrax yeey
mushrax yeey

Rasaas lagu furay Musharraxa goor dhaweyd la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in gaari uu la socday ay rasaas ku fureen ciidammo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, isagoona inta ku daray in rasaastii lugu furay ay khasaaro dhalisay.

Cabdidaahir Maxamed Yuusuf (Yeey) wuxuu intaa ku daray in rasaastii ay ciidamada ku fureen baabuurka uu la socday inay dhalisay dhaawaca soo gaaray qaar ka mid ah dadkii gaariga la saarnaa.

“Anigu waxaan ahay C/daahir Maxamed Yuusuf (Yeey), kulan baan waxaan la lahaa saaka musharrixinta kale uu u tartamaya xilka madaxweynimo ee Puntland iyo madaxweyne ku-xigeen Puntland, shirkii mar dhawayd ayuu soo dhamaaday ,markana kasoo baxay oo an marayay jidka laamiga, waxaa gaarigii an la socday lugu furay rasaas badan, waxaana rasaasta soo riday gaari ciidan wuuna cararay, waxaana uu ahaa baaburta ay leeyihiin ciidanka madaxtooyada, waxaana ku dhaawacmay qar ka mid ah xubnihii ila socday, annigana wax ima soo gaarin,” ayuu yiri musharrax Yeey.

Halkaan ka dhagayso Codka musharaxa:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here