Yaya Toure oo noqday xiddigga Afrika 2012

Ciyaaryahanka kooxda qaranka Ivory Coast iyo naadiga Manchester City Yaya Toure ayaa noqday xiddigga ugu wanaagsan qaaradda Africa sannadkan 2012-ka.

Toure ayaa ku guuleestay  Abaal-marinta uu xiriirka kubadda cagta Afrika oo loo  soogaabiyo CAF.

Waxa Toure abaal marintan kula tartamaayyay ciyaaryahanka ay isku waddanka yihiin Didier Drogba iyo cayaaryahanka waddanka Cameroon Alex Song.

Waa sanadkii labaad oo isku xiga oo uu Yaya, ku guuleysto abaal-marinta oo ay u codeeyaan macallimiinta iyo kabtannada xulalka kubbadda cagta Afrika.

Toure, oo ah 29-jir ah, ayaa door ka qaatay in kooxdiisa Manchester City ay ku guuleesato horyaalka Ingiriiska Premier League 44 sano kaddib.

Sidoo kale waxa uu ka caawiyay xulkiisa in uu gaaro kama-dambeysta koobka Qaramada Qaaradda Africa

Cayaaryahanka oo markii uu ku guuleestay abaalmarinta la hadlay dadka wararka fidiya ayaa yiri “Aad ayey u kacsan tahay shucuurteeda, waxa ay ii tahay habeen farxad leh .”

Wuxuu ammaanay macalinka kooxda Man City Roberto Mancini oo gacan ka geestay in uu gaaro doorkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here