Yaya Toure oo heshiis cusub la gaaray Man City

Xodigga qadka dhexe ee Manchester City, Yaya Toure ayaa heshiis cusub la gaaray kooxdiisa, kaasoo ka dhiggan in uu afar sanno oo heshiis uu saxiixay, waxaana heshiiskiisa la gaarsiiyay illaa 2017.

29-jirkan ayaa door muhiim ku lahaa guulo ay gaartay kooxda, waxaana heshiiskiisa uu sooo socda muddo labo toddobaad sida uu sheegay wakiilkiisa Dimitri Seluk .

Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa hadda shaki la’aan sii joogi doona kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Barcelona sannadkii 2010.

“Halkan ayaa sii joogi doonaa ,” Toure ayaa u sheegay Webite-ka kooxda

“Markii aan imaanayay kooxda Man City xili kasta waxaan marka aan jiifto riyadeeda ahayd in aan wax uun sameeyo maxaa yeelay waa kooxda ugu wanaagsan Yurub.

“Ma hilmaami doono taageerada maamulka iyo taageerayaasha kooxda ay i siiyeen halkan ayaana xirfadayda ku dhameesan doona, waxaana jeclahay in aan koobaab kula guuleesto.” ayuu yiri

Toure heshiiskiisa waa la kordhiyay, oo toddobaadkii wuxu qaadan doona 150,000 pounds, taas oo ah in 220,000 pounds in kastoo warkaas uu yahay mid wali aan sax ahayn.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here