Yaasiin N. Ciise: Shabaabki lasoo qabto waxaa sii deyntooda ka shaqeeya Wasiiro & Xildhibaano

253db0bdfb26abed5bb4Yaasiin Ciise Nuur, oo ah Gudoomiyaha Degmada Wardhiigleey, ayaa ka dhawaajiyay in nin walboo Al-shabaab katirsan islamarkaasina Hay’adaha amaanka soo qabtaan, sii deyntooda ay ka shaqeeyaan Wasiiro iyo Xildhibaano Doowlada katirsan.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad badan oo ciidamada ammaanka ay soo qabteen iyaga oo la yaqaan oo Shabaab ah, balse dad Dowladda ku jira ay furdaamiyeen dadkaasi.

“Xogta aduunka waa la is dhaafsadaa lacag waaye, qofka xog kuu keena waa inaad lacag siisaa si beri qof kale ugu dhiiradaa inuu xog kale uu kuu keeno maanta af qaleel ah markaad ku soo qabtid, hadana ninkii aad xirtay la sii daayo shaqadaas waa waxba kama jiraan, qofkii xogta kuu keenay halis buu galayaa markii arko ninkii Shabaabka ahaa oo Magaalada dhexmaraayo, waxaa ka shaqeeya arimahaasi sii deynta Shabaab, Wasiir, Xildhibaan, Agaasime Wasaaradeed, Ugaasyo iyo Odayaal.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Wardhiigley.

Waxaa jira Xubnaha Shabaabka ka tirsan ee damaanada lagu sii daayo inay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, iyaga oo aanan la ogeyn shaqooyinka ay qabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here