Yaasiin Kilwa oo laga baadi goobayo Puntland

alshabaab-training4-450x300Laamaha amaanka maamulka Puntland, ayaa baadi goob xoogan ugu jira (Yaasin Kilwa), oo ah Amiirka shabaab ugu magacaaban Puntland.

Yaasiin Kilwa, ayaa waxa uu kamid yahay sadex nin oo Mareeykanka lacago dul dhigeen, waxaana sadexdooda cidii soo sheegta xog ku aadan la siin doonaa lacag gaareyso 3 Million oo Dolarka Mareeykanka ah.

Wasiirka Amniga Puntland,Xassan Cismaan Alloore, ayaa sheegay  inay soo dhaweynayso Puntland lacagaha ay dowladda Marekanka dul dhigtay xubnaha ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid yahay ninka ugu sareeya kooxda taabacsan Al-shabaab ee buuraha Gal-gala ku dhuumaleysta.

Alloore, ayaa sidoo kale waxaa uu cadeeyey in laamaha ammaanka Puntland ay ku daba jiraan sidii loo soo qaban lahaa rag uu ka mid yahay Yaasiin Kilwe,waxaana uu inta ku daray inay la socoto Puntland goobaha ay ku suganyihiin ragga ka tirsan ururka Al-qaacida xiriirka la leh ee Al-shabaab isagoona xaqiijiyey in dhawaan la soo qab-qaban doonno.

…”””Yaasiin Kilwe,waa lagaranaya,waxaa dulsaaran ka sakow annaga baadi goobayna,waana garaneyna sida howsheena an ugudan lahaayen,ciidi gacan nugu siinaysa la-dagaalanka argagixisada waan soo dhaweynayna tallaabada caalamku ay ku ugarsanayan argagaxisada,balse Puntland way ku filantahay…””‘ayuu yiri wasiirka amniga.

Puntland ayaa waxay dhibaato xoogan ku qabtaa Al-shabaabka ku dhuumaaleysanaya Buuraha Gal-Gala, kuwaasoo weeraro iyo dilal ka geysta deegaanada uu ka taliyo maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here