Yaa noqonaya tababbaraha cusub ee Man Unt?

Yaa noqonaya tababbaraha cusub ee Man Unt?
Yaa noqonaya tababbaraha cusub ee Man Unt?

Kaddib markii David Moyes laga ceyriyay Manchester United Talaadadii, ayaa haddaba waxaa la is weydiinayaa waa kuma qofka lagu badalaayo oo maamulo u noqon doona kooxda ka dhisan Old Trafford.

Kooxda ayaa si kumeel gaar ah ugu dhiibtay shaqada cayaaryahanka gaamuray ee Ryan Gigis.

Si kastaba, dadka u sharaxan jagadaas waxaa ka mid ah Louis van Gaal oo macallin u ah kooxda qaranka Netherlands.

Sidoo kale waxaa ka mid ah macallinka kooxda Borussia Dortmund,Jurgen Klopp.

Go’aanka musharrixiinta ayaa kala caddaan doona marka uu dhammaado horyaalka Ingiriiska oo wax ka yer seddax kulan uu ka harsan yahay.

Akhriste yaad u maleeneysaa in uu noqon doono macallinka Man Unt?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here