Yaa la diidan yahay, yaase la dooranayaa?.

Rajada soo ifeysa waxaa ma huraan u ah oo aan looga maarmi kareyn hoggaan daacad ah oo aqoon iyo karti leh majarahana u qaban kara dalkan bur buray ee dib u dhiska u baahan iyo dadkan diifta la daalaa dhacaya ee tiigsanaya meel ay ciirsadaan oo ay naftooda ku aaminaan.

Muqdisho beryahan, waxey la ciir ciireysaa oo gidaar kasta kaaga muuqanaya sawirrada in ka badan 50 musharrax oo u wada taagan in ay qabtaan hoggaanka dalka gaar ahaan xilka madaxweynanimo ee jumhuuriyadda Soomaaliya, iyaga oo uu damacoodu wada yahay isu tanaasulid la’aan oraneysa ” keligey baa wax ah, cid iga mudanina ma jirto !!!”.

Haddaba abwaan C/dhuux Yuusuf Xasan oo ah curiye suugaanta in badan ku soo dhex jiray, ayaa wuxuu si hufan u kala qeexayaa shakhsiga ay bulshadu dooneyso ee ay dooran laheyd iyo midka aanay dooneyn ee ay diidan tahay.

Is weydiintu waxey tahay, waa kuma midka aysan bulshadu dooneyn ee diidan tahay?, abwaan C/dhuux oo farta ku sii fiiqaya ayaa maansadiisa ku yiri:-

Hogaamiyaa dadkiisa

Halis wawga digaa iyo

Dibin daabyo qarsoone

Nimaan maanta dalkiisa

Dabka uu ka huraayo

Xal u dooni kareynin

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin!.

Inta gaaja darteed

Daadsan oo socon weydiyo

Dad weynii ku curyaamay

Dagaallo aan xaq aheyn

Ninkii aanay damqeynin

Si ay daryeel u helaan

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Danbiile dhiig gardarraa

Daadiyay oo u qasdoo

Dakanooyin xanbaarsanoo

Eedi ay daba joogto

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dad intuu hor yimaaddo

Nimaan dood wax ku ooliyo

Hadal deeqa kareynoo

Daman oo jilicsan iyo

Damaaci aan waxba deeqinoo

Dhuunta ay u dalooshoo

 

Deg deg xoolo u yeelo

Dubaaqiisa ka buuxdo

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dani haddey ka dhaxeyso

Dadku waa ka shiraaye

Diktaatoor keligii

Wuxuu doono falaaya

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Dalkeennii wuu burburoo

Dib in loo dhisa weeyee

Nin ka daahan adduunkoo

Ka daboolan aqoonta

Darajo noo qaban maayee

Waxba yaanu is daalin.

Abwaanku mar kale wuxuu inoo tilmaamayaa shakhsiga wanaagga iyo anshaxa leh ee ay bulshada dooraneyso codkeedana ku karaameyneyso, laakinse su’aashu waxey tahay waa kuma shakhsiga nuucaas ah?. Abwaanku muxuu ka yiri:-

Bulshadu waxey dooneysaa oo ay daneyneysaa weliba si aan kala har laheyn u dooraneysaa shakhsiga leh 10ka astaamood ee qoraalka hoose kaaga muuqda:-

1.Dadku nimuu u siman yahay

2.Dal allee nin daacad ah

3.Dulmi diid caddaalad ah

4.Dadaal badane howl kara

5.Lagu diirsay geesi ah

6.Faxal iyo nin deeqsi ah

7.Samir iyo dulqaadba leh

8.Damiir lagu xishooda leh

9.Dareenkii waddaniga leh

10.Quweeyaha diinta ah.

Haddaba tobankaa astaamood ee milgaha iyo maamuska leh ee kor ku xusan ninkii leh shuruudahaasina si hufan u soo dhameys tira.

Ayaa darajo qaban kara

Duco iyo kalsoonina

Waan ugu sii dareynaa.

Ugu danbeystii mudane musharraxow, haddii aadan intaa awoodin oo aanad soo buuxin karin shuruudahaas la soo sheegay, fadlan ha isku soo ceebeynin madasha doorashada iyo u tartanka xilka qarannimo ee loo ballansan yahay.

Bashiir  Cali  Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com
Qoraal la xariira Bashiir : Soomaaliya oo looga dhawaaqay Dowlad cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here