Yaa ku guuleysan doono caawa koobka Champions Leugue live kala soco Midnimo.com

Waxaa caawa lagu wadaa in lasoo gaba gabeeyo Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ee Eufa Champions League oo ay ciyaarta kama danbeysta ah isku haleeli doonaan kooxaha Bayern Munich oo Jarmal ah iyo Chelsea oo Ingiriis ah.

Ciyaarta waxay ka dhici doontaa garoonka Allianz Arena oo ay caanka ku tahay Bayern Munich waana marki ugu horeysay oo ay koox ka dhisan Yurub ku ciyaarto finalka koobkaan garoonkeeda.

Tababaraha kooxda Chelsea Roberto Di Matteo ayaa aad u rajeynaya in  Gary Cahill iyo David Luiz ay u ciyaari doonaan kadib marki ay kusoo laabteen tababarka kadib dhaawacyo soo gaaray, halka shaki laga qabo inuu dhaawac dartii u seego Florent Malouda.

Waxaa Chelsea ganaax uga maqan laacibiinta kala ah John Terry, Branislav Ivanovic, Ramires iyo Raul Meireles.

Bayern Munich waxaa ka maqnaanaya Luiz Gustavo, David Alaba iyo Holger Badstuber kadib marki ay uruursadeen jaalooyin kulamadi ugu danbeeyey ee tartankaan.

Bayeryn waxay garoonkeeda ku badisay sanadkaan 7 kulan oo xiriir ah taasi oo ay kusoo gaartay finalka, marki ugu danbeeysay oo ay labadaan naadi ku kulmaan tartankaan waxya aheyd sanadki 2005 markaas oo ay isku haleeleen semi-finalka, waxaana 6-5 kusoo baxday isku geynta goolasha kooxda Chelsea, waxaa safnaa ciyaartaasi Petr Cech, John Terry, Ashley Cole, Frank Lampard iyo Didier Drogba.

Bayern ayaa rajo ka qabta in ay ku guuleysato si ay ula mid noqoto kooxda Liverpool oo shan jeer hanatay tartankaan, hadii ay sidaasi noqotana waxay ku xigi doontaa kooxda AC Milan oo ah kooxda labaad ee ugu hanashada badan tartankaan iyada oo qaaday 7 jeer, halka Real Madrid ay ku guuleysatay 9 jeer.

Bayern hal jeer ayey ku guuleysatay koobkan iyada oo la ciyaareysa finalka koox Ingiriis ah, halka laba jeerna laga qaaday oo ay ka qaadeen kooxda British-ka ah, finalkan waa kii lixaad oo ay isaga hor imaadayaan kooxo kala matalaya Jarmal iyo Ingiriis.

Chelsea waa marki labaad oo ay soo gaareyso finalka koobkan, sanadki 2008 ayey aheyd marki ugu horeeyey xiligaasi oo kooxda Manchester ka qaaday marki Chelsea loogaga badiyey rigoorayaal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.