Yaa iska leh shirkada Sahal Hosbitality Services ee lacagaha kusoo rogtay Rakaabka ka dhoofaya Garoonka Muqdisho?

shirkadShirkad lagu magacaabo Sahal Hosbitality Services oo dhowaan bilowday in Basas uga qaado agagaarka Isgoyska KM4 dadka ka dhoofaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa dhawaan lacago ku soo rogtay rakaabka ka dhoofaya garoonka, iyadoo lacagahan ay ka baxsan yihiin Ticket-ka shirkadaha diyaaradaha.

Shirkadan oo markii hore adeegeeda ku bilowday si lacag la’aan ah in dadka Basas uga qaado xarun ay ku leedahay meel u dhow halka Ciidamada Nabadsugida u taalo Koontaroolka agagaarka isgoyska KM4 una geyneyso garoonka diyaaradaha Muqdisho sababo amni awgeed ayaa maanta la soo baxday waji cusub, iyadoo lacago ku soo rogtay.

Yaa iska leh Shirkadan?

basas3Sida ay Ilo hoose oo ku sugan Garoonka Muqdisho u xaqiijiyeen Midnimo.com, shirkadan ayaa waxaa iska leh Ganacsade magaciisa lagu soo gaabiyay Jibriil, waxaana ku wehliya agaasime ku xigeenka madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo daaha gadaashiisa wax ka maamula.

Shirkadan Sahal Hosbitality Services, ayaa waxaa lagu naasnuujinayaa nin ay qaraabo yihiin Muwaadin ay Doowlada Soomaaliya awood uga qaadatay dhul halkaas ku yaala oo lagu magacaabo Siciid Siyaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here