Yaa bixiyay xogtii ay Turkish Airlines uga baaqatay Muqdisho

201627635904544489202304iht15_turkeysyria-articleLargeShirkada duulimaadyada Turkish Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku tegi jirtay 3 maalmood kahor, intii uusan dhicin qaraxii Diyaarada Daallo Airlines.

Warar hoose oo soo baxaya, ayaa sheegaya in sirdoonka reer galbeedka ee ku sugan Muqdisho, ay Turkish Airlines gaarsiiyeen digniino ku saabsan in weeraro Hoobiyayaal ah iyo qaraxyo laga fulin doono Garoonka Muqdisho, waxaana laba maalin kadib oo ku beegneyd 1 Febraayo hoobiye lagu soo garaacay agagaarka xarunta Madaxtooyada.

Shirkadda Turkish ayaa baajisay markii warbixintaasi lagu wargeliyay, waxaana seddax maalin kadib ay aheyd markii hawada lagu qarxiyay Daallo Airlines, inkastoo warbixintaasi lala wadaagin sirdoonka dowladda federaalka Somalia iyo shirkaddaha duulimaadyada kale ee ka howlgala Muqdisho.

Illaha sirdoon ee ku sugan magaalada Muqdisho oo warbixintooda ay rumeysan yihiin hay’addaha sirdoon ee dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa haboonaan laheyd in ay shaqsiyaadkaasi dowladda ka war qabto lana macaamilaan, maadaama hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka aysan u tababarnayn howlaha loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here