Yaa Bixiyay amarka ay Qatar Airways ku isticmaaleyso Hawada Soomaaliya?

Waxaa maanta oo talaada ah la’ogaaday in dayuurada qatar airways ayan ogolaanshiyo waydiisan Xafiiska Mogadishu ee duulista hawada Somalia,

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Dayuurada Qatar airways ay si amar la’aan ah ku isticmaashay Hawadda Soomaaliya,

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Socodaalka Soomaaliya , oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in amarka ay dayuurada qatar airways ku soo gashay hawada Somalia laga bixiyay xafiiska Nairobi ee ICAO,(International Civil Aviation Organisation).

Sarkaal ka ayaa intaasi ku daray in dayuurada qatar airways ay laba jibbaartay isticmaalka hawada Somalia tan iyo markii ay Dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, yemen,Masar Iyo Bahrain ay xayiraada hawada iyo dhulka ah ay ku soo rogeen Dalkaasi qatar,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here