Xuska sanadguuradii 50-aad ee AU oo maanta Muqdisho lagu qabtay

Xuska sanadguurada 50-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay Ururka midnimada Afrika ee (AU) ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaruunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasabad loogu dabaal-dagayay 50-guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay ururuka Midowga Afirka oo maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay inuu rajeynayo in dhawaan shirka ururka Midowga Afrika lagu qabto magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Ururka Midowga Afirka wuxuu jirsaday 50-sano, Soomaaliyana waxay ku faanaysaa inay ka mid ahayd dalalkii aasaasay Midowga Yurub, iyadoo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan inuu saxiixay heshiiskii lagu dhisay Midowga Afrika, Maantana waa mid ay Afrika ku faani karto inay ka qayb ka qaateen dib u soo celinta nabadda Somalia,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay kulanka oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Xalane.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay madax ka socday Midowga Yurub, saraakiil ka socday dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan oo lagu casuumay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan aasaaskii ururka midowga Afrika  u diray dhammaan wadamada qaaradda  Afrika,wuxuuna tilmaamay in dowladdii Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka dhistay Xaafada (African Village) oo loogu tala galay iney dagaan madaxdii qaaradda ee snadkii 1974 ku shirayey magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu tilmaamay iney markii danbe ahayd goob ay laga fuliyo hawlaha ururka midowga Afrika.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Muqdisho lagu xuso sanadguurada Aas aaska Ururka midnimada Afrika, tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii doowladii dhexe ee Soomaaliya 1991.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here