Xuska Munaasabada 26 June oo kusoo aaday wada hadalada Somalia iyo Somaliland

Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldagayo maalinta xornimada oo ay ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ka baxay 26-ki June sanadki 1960-ki.

Xuskaasi maanta ka socda gobolada waqooyi oo uu haatan ka arrimo maamulka Somaliland ayaa ah mid aad u weyn, sidoo kalana xus kaasi la mid ah waxa uu ka socdaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xuska maanta uu kusoo aaday xilli ay socdaan wada hadalo u dhaxeeya labada dhinac oo lagu raadinayo midnimada Soomaaliya, isaga oo ugu hambalyeeyey dhamaan shacabka Soomaaliyeed 52-sano guurada xuska maalinta xoriyada.

“Waxay nagu soo aaday runti waqti ay socdaan wada hadalo, waxaan rajeyneynaa doorki wanaagsana ee ay ku lahaayeen midnimada iyo isu keenida shacabka Soomalaiyeed inuu dib usoo laabto, waxaan rajeyneynaa sanadkaan sanadkiisa in waxyaabihi uu tirsanaayey uu xaqiijiyo,” ayuu yiri.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socoto munaasabad lagu weyneynayo maalinta xornimada gobolada waqooyi, iyadoo sidoo kalana 1-ka Luulyo la filayo in gobolada koonfureed ay u dabaal dagaan sanadguurada xoriyada oo ay ka qaateen Talyaaniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Masha,allah 26ka jun wa malin kuweyn umadda somaliyed waxan hanbalyo u diraya dhamman 52 guradi kaso waregtay marki ciidda somaliyed laga tagay calanka kanna sib kanna sar sareyow manusqamow an sidu yahay egne

Comments are closed.