Xuska maalinta milatariga Somalia dartiis oo loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo munaasabad loogu dabaaldagayo xuska sanadguuradi 52-aad ee kasoo wareegtay marki la unkay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada oo ka dhici doonto xarunta ciidanka qalabka sida ee Villa Baydhabo, ayaa waxaa loo xiray inta badan wadooyinka muhiimka ah, sida jidka Maka Al Mukaram oo ay adeegsadaan gaadiidka ugu badan ee caasimada.

Waxaa kale oo xiran wadada laamiga ee isku xirto Madina iyo Zoobe sida isgoyska Danwadaagta iyo wadooyinka soo galo xarunta Villa Baydhabo oo amaankeeda aad loo adkeeyey.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya iyo madax ka tirsan Midowga Africa ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan munaasabadan oo baaqatay maalinti 12-ki bishan April oo horay loo qaban jiray sababo xaga amniga ah.

Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa mudadi u dhaxeysay 2011-2012 waxay soo hooyeen guulo iyaga oo qabsaday guud ahaan magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo ay horay u heysteen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.