Xuska dabaaldaga 1-da Luulyo oo xalay laga xusay magaalada Muqdisho (Daawo Sawiro)

Waxaa xalay magaalada Muqdisho looga dabaaldagay xuska munaasabada 1-da Luulyo oo ah marki ay goboloada koonfureed ee Soomaaliya ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska iyo is raaci labada gobol.

Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia, ayaa ayaa ka qeybgalay madax uu ka mid ahaa mdaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyey dhamaan umada Soomaaliyeed munaasabadan qiimiga badan, isaga oo u rajeeyey in sanadka danbe uu gaarsiiyo umada iyaga oo midoobay oo hal ah.

Meelaha kale ee laga xusay munaasabada xuska maalinta xoriyada Soomaaliya ee 1-da July, waxaa ka mid ah magaalooyinka Baydhabo, Baladweyne, Xudur, Balcad, Afgooye, Luuq, Balad Xaawo iyo Garbahaareey, halkaas oo ay dadka ku nooli si hufan ugu mashxadadeen.

Soomaaliya ayaa waxa ay xoriyadeeda xaqiijisay 1-di July sanadki 1960-ki markaas oo uu Talyaaniga madax banaanida siiyey koonfurta, halka gobolada waqooyi ay ka baxeen gumeysiga 26-ki June isla sanadkaasi iyaga oo ka xoroobay isticmaarkii Ingiriiska.

 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


1 COMMENT

  1. idinkoo raaliya ma noo sheegi kartaan hadii aad wax ka ogtihiin labadiisa xaas aad bay isugu eg yihiin ee ma qaraabaa,oo tan weyn bay guriga la joogtay oo halkaas buu ka booday,waa wadaad naago jecel sida uu ugu sii boodayo ku salaamaya sawirada hoose hadii aad fiiriso gacantaa ka soo horeysa.subxaanah laah

Comments are closed.