Xuseen Carab Ciise: Wuu dhamaaday dagaalki waji ka wajiga ahaa

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in haatan uu dhamaaday dagaalki fool ka foolka ahaa ee ay dowladu ka waday dalka, loona gudbay wajiyo kale oo cusub.

Hadal uu siiyey warbaahinta ayuu Mr. Ciise ku sheegay in haatan la joogo marxaladihi labaad ee dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Xuseen Carab Ciise ayaa tilmaamay in ay wadaan qorshe ay isugu furayaan magaalooyinka Afgooye, Baydhabo ilaa iyo Kismaayo oo xilli ay Al Shabaab kordhinayaan weerarada loo yaqaano kamiin.

“Shacabka waxaan u sheegayaa in dagaalki weynaa uu dhamaaday maanta waxa weeyaan waxaan wadnaa inaan isu furno magaalooyinka waaweyn, Afgooye, Baydhabo ilaa Kismaayo waa laysku xirayaa,” ayuu yiri.

Dowlada KMG ayaa bilooyinki lasoo dhaafay waday is balaarin waxaana ay Al Shabaab ka qabsatay magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Baladweyne, Baydhabo, Xudur, Afgooye iyo Afmadow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.