Xuseen Carab Ciise: Mardhaw ciidankayaga waxay ku kulmayaan baro cayiman oo dalka ah

Wasiirka difaaca dowlada KMG Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in uu jiro qorshe dagaal oo ah kii ugu danbeeyey ee ay ku qabsanayaan gobolada ay ku danbeeyaan Al Shabaab.

Wareysi uu siiyey Raadiyaha Dowlada ayuu ku sheegay in qorshahoodu yahay in mar dhaw ay ciidamada dowlada ay isugu yimaadaan baro cayiman oo uusan dooneyn inuu hada shaaciyo.

Mr. Ciise ayaa tilmaamay in ay soo dhawaatay waqtigi israaca umada Soomaaliyeed iyo midnimadeeda, isaga oo aad ugu amaanay ciidanka dowlada iyo kuwa xulufada la ah dadaalka ay muujiyeen.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay xilli shalay ay ciidanka dowlada qabsadeen dhul balaaran oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.