Xuseen Carab: Ciidamadayada ayaa ku filan amaanka doorashooyinka

Wasiirka gaashaandhiga Dowlada KMG Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in uu kulasoonyahay in ciidamada Soomaalida ku filnaan doonaan sugida amaanka doorashooyinka bishaan August.

Mr. Carab oo la hadlay warbaahinta ayaa ku adkeystay in ciidamada booliska, nabadsugida iyo kuwa milatariga Soomaaliya ay sugi doonaan amaanka goobaha lagu qaban doono doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa madaxweyanha maalmaha soo aadan.

Doorashooyinka madaxweynaha oo ah tan ugu muhiimsan ayaa waxaa ka harsan haatan 2 todobaad oo qura, waxaase ka horeyn doona doorashooyinka gudoomiyaha baarlamaanka.

Maalmihi lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho soo gaarayey ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Uganda, iyadoo dhawaana la filayo ciidamo kale oo laga keeni doono dalalka Nigeira iyo Siera Leone.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here