Xulka Spain Oo Markiisii labaad soo Tiigsaday kama danbeysta

Xulkaspainoo ah xulka difaacanaya tartanka hada kasocda wadamada ukrine iyoPolandayaa soo tiigsaday kama danbeysta kadib markii ay xalay Rigoorayaal 4-2  ah kaga adkaadeen xulkaPortugal

Labadan xul ayaa is mari wayaay 90 daqiiqo ee ciyaarta loogu talagalay waxaana sida sharciga ah lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah sidookalena waa ay ismari waayeen,

Sidaa darted xulkaspainoo ah horyaalka dunida iyokanyurub ayaa Axada soo socota kama danbeysta tartankan la ciyaari doonaItalyamaGermanymidkood kii soo adkaada kuwaasoo cawada uu dhexmari doono kulan aad uxiiso badan.

Faahfaahin kusaabsan ciyaartii xalay:

Ciyaartii xalay dhexmartayspainiyoPortugalayaa ku bilaabatay weerar aad uxoogan oo ayPortugalciyaartooydooda kusoo aadeen dhanka gooshaspainwaxaana ugu cad cadaa labada xidig eek ala ah C.ronaldo iyoNani,Portugalayaa waxay heleen labo fursadood oo aad qaali u ahaa inkastoo uu ka badbaadiyay ciyaaryahan Casilas

Sidookale xulkaspainayaa waxyar kadibw axa ay bilaabeen baaska gaagaaban iyo isku dhiidhiib aad uheersareeya iyadoo ciyaaryahanada Xavi iyo Negrdo ay isku dayeen dhowr mar ineey gool dhaliyaan sidookale waxaa kadhexmuuqday Devid silva iyo Iniesta oo iyagana maamulayay qadka dhexe

Qatartii ugu horeesay ee soo waajahda goolkaPortugalayaa waxay katmid iniesta kaasoo baas aad umacaan kahelay jordi alba laakiin waxaa kadiiday goolhayaPortugaloo kabadbaadiyay kubadaas

Sidookale ronaldo ayaa qeybtii hore ee ciyaarta waxa uu sameeyay isku day aad uwanaagsan isagoo darbo halis ah ku riday goolhaye casilas balse nasiibka uma saamixin oo kubada waxay agmartay birta hoosteeda.

Gerard Pique ayuu ahaa ninka xalay uxilsaarnaay ilaalinta C.ronaldo halka Sergio ramos uu isna waardiye ka ahaa luis Nani iyo Hugo Almeyda

Gool kulaadyada:

Kadib markii lays mari waayay waqtigii loogu talo galay ciyaarta ayaa waxaa labada xul loo dhigay gool kulaad iyadoo ridashada ay bilaabeen xulkaspainwaxaana u tuuray Xavi Alonso balse waa laga qabtay , laakiin iker casilas ayaa soo celiyay rajada xulkiisaspainkadib markii uu qabtay gool kulaadkii koowaad uu tuuray Moutinho

Intaas kadib aya inesta waxa uu saxiixay tuurashadii labaad eespainsidookale pepe aya isna usaxiixay dhankaPortugal

Pique aya tuuray laadkii 3-aad eespainisagoo gool aad uqurux badan daba mariyay goolhayahaPortugalwaxaana u jawaabay Nani oo isnaPortugalusaxiixay laadkii 3-aad

Nasiib xumo ugu danbeyntii ayaa Bruno Alves waxa uu qasaariyay gool kulaadkii 4-aad eePortugaliyadoo fabregas uu saxiixay laadkii ugui danbeeyay eespainsidaas ayaynakamadanbeysta finalka Euro 2012 ku soo tiigsadeen