Xulka Qaranka Soomaaliya oo gaaray dalka Ruush-ka

Soomaaliya oo ka qaybgaleysa cayaaraha Bandy ee dalka Ruushka
Xuquuqda Sawirka GOALFM

Magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruush-ka waxaa gaaray cayaartoyda Xulka Qaranka Ciyaaraha Xeegada ee Soomaaliya kuwaasoo ka qaybgalaya koobka adduunka.

Cayaartoyda Soomaaliya matalaya ayaa ka kala yimid waddamada qurbaha sida Sweden iyo Canada, waana markii ugu horreysay oo koox ka socota Afrika ay ka qaybgasho koobkan, oo inta badan laga cayaaro waddamada qaboobaha uu ka jirro.

Tartanka Soomaaliya ay ka qaybgaleyso ayaa loo yaqaanaa Bandy, waxaana la sheegayaa in ay rajo fiican ay ka lee yihiin siddii ay guulo uga soo hoyi lahaayeen.

Kooxda Soomaalida ayaa tababbar fiican ku qaatay waddanka Sweden ka hor inta aysan soo gaarin dalka Ruushka oo martigalinaya sannadkan koobkan.

Cayaarta ugu horreysa kooxda Soomaalida waxa ay cayaari doontaa maalinta Isniinta ee berri, waxaana ay isku aadan yihiin kooxda Germany.

Kooxda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isku Gruop yihiin kooxaha Germeny, Japan, Ukrain iyo Mangolia.

Waddamada ku guulaysto tartamada ciyaaraha Xeegada, ayaa ah kuwa uu barafka ka dhaco ee cirifka waqooyi ee dunida, sida Sweden, Finland iyo Ruushka.

Natiijada cayaaraha Soomaalida kala soco Bogga Midnimo.com oo ah Hooyga cayaaraha Soomaalida iyo Caalamka

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here