Xulka qaranka Eq Guinea oo lagu abaal mariyey 1 million oo dollar

Wiilka madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Nguema Obiang Mangue, ayaa ku abaal mariyey ciyaartooyda xulka qaranka lacag dhan $1m taasi oo aheyd balan qaad uu horay u sameeyey.

Lacagtan oo aheyd jeeg ayuu u gacan gelieyey kabtanka kooxda qaranka Juvenal Edjogo shalay gelinki danbe.

Obiang ayaa u balan qaaday ciyaartooyda qaranka Jimcihi lasoo dhaafay hadii ay ka badiyaan xulka Libya in ay helayaan lacagtaasi, weyna ka badiyeen kulanki furitaanka koobka Qaramada Africa

Xulka guushaasi jilba murax ayey ku keeneen waxaana ay Libya kaga badiyeen 1-0 iyadoo dhamaadki ciyaarta uu saxiixay Javier Balboa.

Balboa isaga waxa uu dheeryahay ciyaartooyda lacago dheeraad ah oo gaaraya US$20,000 taasi oo uu ku kasbaday goolki uu dhaliyey.

Wiilka uu dhalay madaxweyne Teodoro Obiang Nguema Mbasogo ayaa sidoo kale balan qaaday lacago kale oo dheeraad ah inuu siin doono xulka hadii ay si wadaan guulaha ay gaarayaan.

Wuxuu diiday inuu cadeeyo gunooyinka soo aadan tirada ay ka koobnaan doono, laakin balan qaadkan kale ayaa dhiiri gelin doona ciyaartooyda iyadoo kulanka labaadna ay la ciyaari doonaan caawa kooxda qatarta ah ee Senegal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.