Degdeg: Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo gaaray Kenya

18-600x450

Waxaa goordhow gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya, kuwaasoo ka qaybgalaya cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa oo ka dhici doona dalka Kenya inta u dhaxeysa 27-ka bishan ilaa 12-ka December.

Xulka ayaa maanta duhurkii ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoona tababbaro ku qaatay garoonka Koonis ee degmada Cabdicasiis oo la dhigay cawska macmalka.

Tababbaraha xulka qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Fara Yarre ayaa saxaafadda kula hadlay Hotel Saxafi wuxuuna sheegay in 21-ka cayaartoyd ee qaranka lagu dhawaaqay dabadeedna ay maanta u socdaan dalka Kenya.

Cayaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya waxaa laga soo kala xulay kooxaha heerka koobaad ee dalka sida, Heegan, Elman, Jeenyo iyo kuwa kale, waxaa kaloo la sheegay in xulka lagu soo daray Saadaq Bollitel oo ka cayaara horiyaalka heer koobaad ee dalka Kenya iyo Goolhaye ka imaanaya Belgium.

Xulka qaranka kubadda cagta waxaa laga reebay kabtanka kooxda Banaadir Sports Club Daadir Amiin Daadda, cayaaryahankan ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray.

Xulka waxaa hoggaamin doonaa Maxamed Nuur Sharkeey oo ka tirsan kooxda Elman FC.

Si kastaba, tartanka ayaa sanadkan waxaa ka qeyb galaya 12 dal oo Soomaaliya ay ku jirto, waxaana ka maqan xulka Jabuuti oo beddelkiisa lagu marti qaaday xulka Zambia.

Ciyaarta ugu horreysa ayay Soomaaliya la ciyaari doontaa xulka Burundi 28-ka November waxeyna ka dhici doontaa magaalada Machakos oo u dhow magaalada Nairobi.

Labada kulan ee kale ayay Soomaaliya ku ciyaari doontaa garoonka Nyanyo ee Nairobi, iyadoo kulanka labaad ka hor-tagi doonto xulka Tanzania 1-da December.

Cayaartoyda xulka Soomaaliya ayaa laga soo kala xulay kooxaha heerka koobaad ee dalka sida Elman, Heegan iyo Banaadir Sports Club.

Kulanka u dambeeyo ayaa Soomaaliya Nairobi kula ciyaari doontaa Zambia 4-ta December.

Kulamada wareegga koowaad ee tartanka ayaa sanadkan lagu ciyaari doonaa magaalooyinka Nairobi iyo Machakos, kulamada wareegga labaad ee 8-da koox ayaa ka dhici doona magaalada Mombasa, halka Semi finalka lagu ballansan yahay magaalada Kisumu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here