Xulka Germany oo usoo Gudbay Quarter-finalka Tartanka Euro 2012(Daawo sawirada)

Xulka Germany ayaab xalay 4-2 waxa uu kaga adkaaday xulka Greece waxa ayna u ahayd guushii 15-aad oo xiriir ah,ciyaaraha caalamiga ah.

Kadib guul daradii ay kala kulmeen xulka spain koobkii aduunka 2010 xulka Germany lama aysan kulmin wax guul-daro ah, waxa ayna ciyaareen 15 ciyaar oo heer caalami ah iyagoo dhamaan guuleeystay tartanadaas.

15-Guul ee uu jarmalka gaaray ayaa waxa ay kala yihiin sida tan (1) ciyaarihii aduunka kaalinta sadexaad (10)is ree reebka koobka Euro 2012 (4)tartanka hada socda ee Euro 2012

Waxaa xusid mudan in jarmalka markii 4-aad oo xiriir ah ay soo tiigsanayaan heerka samafinalka ciyaaraha caalamiga kuwaasoo isugu jira koobka aduunka iyo tartanada yurub

Saami Addow