Xulka gabdhaha kubada kolayga Soomaaliya oo ka badiyey xulka Kuwait. (Daawo)

Gabdhaha kubadda koleyga qaranka Soomaaliya ayaa  maanta guul kasoo hooyey ciyaar kamid ah tartanka dalalka Carabta ee ka soconaya magaalada Doha ee dalka Qatar.

Ciyaartan ayaa xulka qaranka gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay ugaga guuleysteen 66 dhibood xulka gabdhaha wadanka Kuwait  halka ay  keeneen  xulka gabdhaha Kuwaitna  47 dhibcood.

Guusha ay maanta gaareen xulka qaranka ee kubada koleyga gabdhaha ayaa ah tii labaad iyagoo hore ugag soo guuleystey xulka Qadar ee ah dalka lagu qabanayo tartankan.

Hase yeeshee xulka gabdhaha ayaa labo guuldaro soo gaartay iyadoo ay ka guuleysteen xulalka Masar iyo Lubnaan.

Hase yeeshee waxaa u harsan hal kulan oo ay la ciyaari doonaan xulka Jordan taasoo aad loo rajeynayo inay xulka Soomaaliya ka badin doonaan xulka Jordan.

Gudoomiyaha gudiga olombikada Soomaaliya  Aadan Xaaji Yabaroow Wiish oo  jooga magaalada Doha ayaa u mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Qadar sida weyn ee ay u taageereen xulkooda ayna mar walba dhiirigelinta u siinayaan.

Gabdhaha xulka qaranka Soomaaliya matalaya ayaa isugu jira qaar magaalada Muqdisho ka tegey iyo gabdho kale oo ka kala yimid dalalka Caalamka.

Waxaana la oran karaa gabdhahan waa kuwa kaliya ee guulo la taaban karo oo dhinaca ciyaaraha ah ka soo hooyay taratamada caalamka tan iyo markii ay burburtay xukuumadii hore ee Siyad Barre.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Guul Hablaha Soomaaliyeed, Walee Gabadh lanbarka 9 uga ciyaarta xulka Soomaaliya, tolow halkee ayey dunida kaga nooshahay, Nooloow gabadha Lanbarka 9aad sidatooy

Comments are closed.