Algeria iyo Chana oo ku biiray kooxaha u matalaya Afrika koobka adduunka

Ghana oo u dabaal dagaysa u soo bixitaanka koobka adduunka
Ghana oo u dabaal dagaysa u soo bixitaanka koobka adduunka

Algeria iyo Ghana ayaa habeenkii xaley soo dhammeestiray shanta xul ee u matalaya Afrika sannadka dambe koobka Adduunka, iyagoona ku biiray Nigeria, Cameroon iyo Ivory Coast, oo toddobadka ka soo baxay is-reeb-reebka koobka adduunka.

Xulka Ghana ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay oo xaqiiqsaday in ay u soo baxaan koobka adduunka, markii habeenkii Salaasada ay ka adkaadeen kooxda Masar oo ay uga badiyeen 2 iyo 1.

Xulka Black Stars, ayaa isugu geyn ugu soo baxay 6-1 taasoo ka dhigtay in ay ka adkaadaan xulka Masar ee Faraaciinta.

Waa markii seddaxaad oo isku xigga oo Ghana u soo baxdo koobka aduunka, sidoo kale xulka Masar ayaan ka soo muuqaan koobka adduunka tan iyo sannadkii 1990.

Xulka Masar ayaa cayaarayay iyagoo aan la socon taageerayaashooda kaddib markii la ganaaxay labo sanno muddo laga joogo xilligaas oo rabshado ka dhacay magaalada Port Said ay ku dhinteen dad rayid ah,

In ka badan 70 ayaa ku dhimmatay rabshado ka dhacay cayaar dhexmareysay kooxaha Al Ahly iyo Al Masry taasoo dhacday bishii February 2012.

Guusha xulka Ghana waxaa door weyn ka qaatay Asamoah Gyan oo noqday xidig lafdhabar u ah xulka Black Stars.

Sidoo kale, waxaa habeenkii xaley u soo baxay koobka aduunka kooxda Algeria  oo 1 iyo o uga badisay kooxda Burkina Faso.

Haddaba, qaaradda Afrika waxaa uga qaybgalaya koobka adduunka xulalka Nigeria, Algeria,Côte d’Ivoire, Ghana iyo Cameroon.

Isku aadka koobka adduunka 2014-ka ayaa lagu qaban doonaa magaalada  Bahia, ee dalka Brazil, bisha December 6-deeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here