Xulalka Spain iyo Talyaani oo usoo gudbay wareega 2-aad(Daawo sawirada)

Xulka talyaaniga ayaa usoo gudbay wareega 2-aad ee tartanka EURO 2012 kadib markii ay guul muhiim mah ka gaareen republic of Earland,iyagoo kaga badiyay 2-0.

labada xul ee Earland iyo italy ayaa kala qeeybsaday ciyaarta qeeybteeda koowaad kahor intuusan daqiiqada 35-aad Antonio Cassano Goolka 1-aad dhex dhigin shabaqa Earland.

Goolkii 2aad ee Balloteli
Goolkii 2aad ee Balloteli

Xidigaha Earland ayaa isku dayay ineey iska soo bareejeeyaan goolka lagu leeyahay iyagoo weeraro is xigxigay kusoo qaaday goolka italy laakiin daafacyada talyaaniga ayaa kadiiday oo ka ilaaliyay shabaqa uu goolhayaha kayahay Buffon.

Antonio Cassano oo ku faraxsan goolkiisa 1-aad
Antonio Cassano oo ku faraxsan goolkiisa 1-aad

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii laysugu soo laabtay ciyaartoyda Earland waxay sii laba jibaareen weerarka iyagoo intabadan maamulayay kubadda taasoo ciyaartoyda talyaaniga ku qasabtay ineey dib ulaabtaan oo ay difaac galaan.

Daniel Derossi oo kubadda kula dagaalamaya Duff
Daniel Derossi oo kubadda kula dagaalamaya Duff

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa talyaaniga waxay lawareegeen ciyaarta iyagoo dhowr mar handaday goolhayaha Earland, waxaana ciyaarta badal lagu soo galiyay Super Mario Balatolli kaasoo daqiiqadii 90-aad Gool aad uqurxbadan daba mariyay goolhaye Given.

Goolki 1-aad ee uu Cassano madaxa ugu saxiixay Itally
Goolki 1-aad ee uu Cassano madaxa ugu saxiixay Itally

Xulka Talyaaniga ayaa ugu danbeyntii waxa uu usoo gudbay wareega 2-aad ee tartanka EORO 2012 kadib dhib farabadan iyo dadaal dheer uu kasoo muujiyay ciyaarihii ugu danbeeyay,sii uga soo baxo Group-kan,talyaaniga ayaa spain ugu mahadcelinaya ineey usoo gudbaan qeybta 2-aad kadib markii ay kabadiyeen xulka Croatia.

Merchisio oo laad xoogan ku ridaya goolka Earland
Merchisio oo laad xoogan ku ridaya goolka Earland

Sida lawada xasuusto taariikhda Talyaaniga badanaa wareega koowaad waa mid kusoo baxa sidhib badan iyo qalqiil waxaana lawada xasuustaa sanaddii 2006 markaasoo uu ku guuleeystay koobkii dunida in Azzuri uu wareega koowaad ee Group-yada kaga soo baxay si dhib leh.

Buffon oo ah goolhayaha xulka talyaaniga waxa uu kahadlay guushii xalay ay ka gaareen Earland iyo ciyaartii dhexmartay xulalka Spain&Croatia,Buffon waxa uu umahad celiyay xulka spain.

“waan ogaay inaad u ciyaari doontaan si wanaagsan waayo waxaad tihiin horyaalka Europa iyo aduunka” sidaa waxaa yiri Buffon

Buffon ayaa hadalkiisa sii daba dhigay “waxaan ahaay qof dagan oo ku qanacsan in spain ay kabadinayaan croatia ayna ula ciyaari doonaajn sidi koox weyn oo kale”

Talyaaniga waxa uu 2-0 oo nadiif ah kaga badiyay earland halka xulka Spain ay 1-0 kaga adkaadeen Croatia sidaas darteed waxaa Group-kan kasoo baxay xulalka Spain oo kaalinta koowaad kusoo baxday iyo Italy oo kusoo baxday kaalinta labaad.