Xulalka Ivory Coast iyo Zambia oo isugu soo haray finalka koobka Afirca

Waxaa xalay lasoo gaba gabeeyey wareega semi-finalka koobka Qaramada Africa iyada oo ay isugu soo baxeen xulalka Cote d’Ivoire iyo zambia.

Xulka Cote d’Ivoire ama Ivory Caost waxa ay isku arkeen xalay garoonka magaalada Libreville kooxda qaranka Mal iyadoo ay guushana 1-0 ku raacday kooxda qaranka ee  Cote d’Ivoire.

Xulka Cote d’Ivoire oo lagu naaneeso Maroodiyaasha ‘Elephants’  waxa ay goolka guusha heleen qeybti hore ee ciyaarta waxaana u saxiixay weeraryahanka kooxda Arsenal Gervinho oo si xaraga leh u dhaliyey.

Bilowgi hore ee ciyaarta waxa labada xulba ay dheelayeen kulan ku saleysnaa ciriiri iyo is dilid iyadoo qaladaad badan ay iska galayeen labada dhinac, waxaana la dhihi karay waxay aheyd ciyaar raf ah oo lagu xiiqay qeybteedi hore.

Fursadaha waxaa badnaa Ivory Coast oo waxaana tii ugu horeysay ay soo martay captain Didier Drogba oo la helay madaxa hase yeeshee laba bixiyey, Drogba wuuu sii waday hanjabaadiisa ku aadan mali wax yar kadibna kubad shuut ah oo uu ku tuuray shabaqa waxaa badbaadiyey goolhaye Soumbeyla Diakite.

Mali fursadihi ugu fiicanaa waxay soo mareen qeybti labaad ee ciyaarta waxaana ay isugu baxeysay labada weeraryahan ee kala ah Mustapha Yatabare iyo Cheick Diabate kuwaasi oo qasay daafaca Ivory Coast, hase ahaatee waxaa aad u ilaalinayey goolhaye Boubacar Barry .
Natiijada ciyaarta oo kusoo idlaatay 1-0 ayaa ka dhigtay in Cote d’Ivoire ay u gudubto wareega final-ka Koobka Africa ee 2012 halkaasi oo ay Axada soo aadan isku arki doonaan xulka Zambia oo si layaab leh uga soo badiyey Ghana oo loo saadaalinayey in ayba qaadi doonto koobka Qaramada Africa.

Goolka qura oo ay ku Zambiya uga badiyeen Ghana waxaa dhaliyey ciyaaryahanka badalka kusoo galay ee Emmanuel Mayuka kaasi oo naxdin ku riday ciyaartooyda Ghana.

Mayuka waxa uu habeestay kubad uu baastay kadibna waxa uu ku ganay shuut isaga oo ka geliyey shabaqa geeska hoose ciyaarta oo ay ka dhinneyd 12 daqiiqo, waxaa laakin xusid mudan in uu rigoore ka qasaariyey Ghana weeraryahanka la yiraahdo Asamoah Gyan bilowgi qeybti hore ee ciyaarta.

Xulka Ghana waxa kale oo kaarka casaanka laga siyey Derek Boateng dhamadki ciyaarta.

Kooxda Zambia oo lagu naaneeso Chipolopolo waligood kuma guuleysan koobka Africa, laakin horay ayey laba jeer u gaareen finalka markana waa markoodii sadexaad oo ay tagayaan, iyadoo ay ugu danbeysay finalka sanadki 1994.

Ghana 30 sano ma qaadin koobkaan, laakin sanadki lasoo dhaafay ayey gaareen finalka waxaana garaacday Masar.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.