Xukuumadda Soomaaliya oo meel ammaan ah u raadineysa barakacayaasha Muqdisho

Waxa xaley magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo uga hadlay arrimo badan.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid,’’ ayaa looga hadlay arrimo badan

Ugu waxa shirka looga dhageestay warbixin wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga iyo gaashandhigga Cabdi kariin Xuseen Guuleed iyo C/Xakiin Maxamuud Fiqi.

Labada wasiir ayaa golaha wasiirada uga warbixiyay xaalladda ammaan iyo howlgalada ay ciidamada dowladda ka sameeyeen meelaha dowladda ay ka arrimiso,

Sidoo kale waxa kulanka warbixin laga dhageestay wasiirka horumarinta Adeega bulshada oo iyana safar shaqo ku tagtay wamadda Turkiga iyo Tunisia.

Waxa kaloo looga doodday sidii loo harumarin lahaa adeegyadda waxbarasho dowladuna ay dib u soo celiso Iskuulaadki iyo Jaamacadaha sida bilaashka ah dadka wax loogu bari jiray.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyay xeer- hoosaadka Xukumada oo qodobo cusub lagu daray isla markaana dajiyay sidii barakacayaasha gudaha magaalada ku sugan looga saari lahaa islamarkaana loo sameyn lahaa meelo ammaan ah oo loogu talagalay dadkaasi.

Ugu dambeyn golahu wuxuu isku raacay in la sameeyo guddi lix ah oo so qorsheeya meelaha ugu haboon ee la dejin karo dadka barakacayaasha ee ku kool Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here