Xukuumadda Soomaaliya Oo Sheegtay In Lafuri Doono Ciyaarihii Gobalada Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/Wali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dhawaan la bilaabi doono ciyaarihii Gobalada dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Bisha Novembar ay furmayaan ciyaarahaasi islamarkaana sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha ay balan qaadayaan dhamaan wixii tasiilaad ah inay bixinayaan iyaga oo la kaashanaya guddiga Olombikada.

C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatada iyo colaada aysan ilaawsiin ciyaarihii iyo fanka Soomaaliyeed islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii dib loogu soo celin lahaa.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in ciyaaraha Gobalada Dalka Soomaaliya la furayo ayaa kusoo aadaya iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka socdaan ciyaaraha horyaalka 37-aad ee dalkeena Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here